Waa maxay Afrofoobiya ?
Maanta waxa aan isku dayaya in aan fikir guud kaasiiyo Afrofoobiya iyo sababta ay muhiim u tahay in aad ku baraarugsan tahay markasta iyo meelkasta oo aad joogto gaar ahaan wadammada reer Galbeedka iyo waddamada dadka cadaanka ah ugu badan yihiin. Oraahdaan waa waxa ay leedahay taariikh iyo cilmi baarisyo badan, sidaas oo ay tahay dadka ay qusayso wax fikir ah oo badan kama haystaan ama maba yaqaaniin.
Afrofoobiya waa nacayb ku dhisan cunsuriyad taas oo looqabo dadka kasoo jeeda wadammada ka hooseeya saxaaraha ee Afrika gaar ahaan dadka madow. Baddanaa waxaa la kulma cunsuriyaddaan qurba joogta Afrikaanka ah iyo Maraykanka madowga ah. Sidoo kale kama marna qof farac ku leh, sida in mid ka mid ah waaridkii yahay madow ama in qofku leeyahay midab madow ah. Afrofoobiya waxa ay salka ku haysaa cunsuriyada, faquuq, dil iyo han jabbaad joogto ah, taasna waxa sababay ayadoo laga haysto fikir aad u xun dadka afrikaanka ah iyo in ay ka hooseeyan bulshooyinka kale. Sabab ugu wayna waa gumaysigii qaaradda lagu qaaday, kaas oo lagu naafeeyey bulshadda Afrikaanka laguna tirtiray taariikhdii hodanka ahayd ee qaaraddu lahayd.
Afrofoobiya waa fikir jira kaas oo waddamo badan u aqoonsadeen in uu yahay dhibaatooyinka bulshadda. Qaramada midoobay iyo Middowga yurub ayaa aqoonsan sidoo kale wadanka Iswiidhan ayaa aqoonsan. Waxaa jira ururo ka shaqeeya arrimahan sida The Pan-European Network Against Racism (ENAR). Dadka madowga ah faquuqa, dilka iyo cunsuriyadda waxaa u dheer ayagoo ay ku adag tahay in ay galaan suuqa shaqada iyo in ay helaan guryaha ayaggoo ah markasta dadka ugu danbeeya ee jaaniska la siiyo.
Wadanka Maraykanka oo ah meesha ugu badan oo dad madow ku noolyihiin marka laga reebo qaaradda Afrika waa meesha ugu badan oo lagu dillo laguna cunsuriyeeyo. Warbixin ay aruusay Washington Post 2015-2019 ayaa lagu sheegay in dadka madowga toogashada booliska ay ka yihiin 26.4% ayagoo ka ah bulshadda Maraykanka 12.1% taas cadaynaysa heerka caddaalad darada iyo argagaxa ay leedahay. Wadanka Iswiidhan oo ah waddamada ugu horreeeya ee u dooda xuquuda aadanaha iyo xagga deganaanshaha nolosha waxaa ku nool qiyaas ahaan dad gaaraya 180 000 oo madow ah. Boqolkiiba 60% waxa ay ku dhasheen wadanka dibaddiisa 40% ay ku dhasheen wadanka. Cilmi baaris ayaa sheegaysa in ay yihiin bulshadda ugu hoosaysa wadanka xagga waxbarshadda iyo shaqadda. Afrofoobiya waa dambiyadda nacaybka ah ee ugu badan Iswiidhan. (Mångkulturellt centrum, MKC 2014)
Dadka madowga ah ee Iswiidhan ku nool waxaa ugu badan dadka Soomaalida ah, kuwaas oo ah kuwa kugu hooseeya bulshooyinka wadanka ku nool, xagga shaqadda, waxbarasha iyo xagga lahaanshaha guryaha.
Caqabadaha haysta bulshooyinka dadka madowga ah: - Isdhexgalka bulshada madow oo hooseeya
- Ayagoon aqoon taariikhdooda saxda ah iyo afkooda hooyo.
Fiiro gaar ah ! is caawinta aan ka hadlaayo waa in la iska caawiya sidii loo joojin lahaa:
Hadii aad tahay qof madow oo ku nool waddamada reer galbeedka waa in aad markasta dhagtu kuu taagan tahay meel kasta oo aad ku sugan tahay, sababtoo ah jaaniska in aad cunsuriyad la kulanto aad buu u sarreeyaa adigoon wax dhibaato ah geysan. Cunsuriyaddu iyo faquuqu meelkasta iyo bulsho kasta waa ka dhex jiraa, laakiin waxa aan loo dulqaadan karin in bulshooyin badan ay cunsuriyad xun u hayaan dadka madowga ah. Markasta oo aad la kulanto cunsuriyad waxaa muhiim ah in aad iskaga difaacdo af iyo sharci. Muhiim weeye in aad la xariirto hay`adaha amaanka sida booliska si loo diiwan galiyo dacwadaada. waxaa muhiim ah in aad markasta u dooda xaqaaga iyo xuquuqdaada oo aadna garab istaagto kan kula mid ka ah ee xuquuqdaada u taagan. Soomaalida ayaa ku maahmaahda "nin aamusan hooyadiiba qadisay" Taas waxa ay noo cadaynaysaa sida ay lagama maarmaan u tahay in aanad xaqaaga ka aamusin. Markasta oo dadkeenu kala qaybsan yihiin waxa aan u nugul nahay hagar daamada iyo faquuqa shisheeyaha. Ka qayb qaado hormarka iyo isku soo dhawaynta bulshadaada iyo in aad ka fogaato kala qaybinta dadkaaga.
W/Q: Jibril Hirsi
Qormo nuxur badan ku jiro weeye.
ReplyDeleteSame hakaaga abaal mariyo ilaah, walaal jibriil.