Saturday, May 23, 2020

Ha iibsan sharaftaada!

 
Sharafta iyo cissiga qofka muslimka ah ilaaahay ayaa quraankiisa ku xusay in badan sidoo kale axaadiis badan ayaa nabigeena suubanaa laga soo wariyey "أل هي منال إيمان" (al hayau minal iman) Kaas oo noo cadaynaya in akhlaaqdu iyo xishoodku yahay qayb ka mid ah iimaanka.  Qofka dhalinyarada ah waxaa looga baahan yahay waxkasta oo akhlaaqdiisa iyo cirdigiisa wax u dhimaya in uu ka digtoonaado. Marka maxaa kuu diidaya in aad sharaftaada iyo cissigaaga ilaashato adigoo ka dheeraanaya waxkasta oo noloshada iyo mustaqbalkaaga saamayn xun ku yeelanaya sida balwadda, qabyaaladda iyo siyaasad aan jiho lahayn oo qabiil ku salaysan.  

                Photo credit: PDRC

Dhalinyaro badan ayaa ku tabaalaysan daafaha caalamka gaar ahaan dhalinyarada soomaaliyeed, kuwaas oo ka cabanaya shaqo la`aan, amni darro iyo in iyaga laftooda ay argagaxisadu uga faa`iidaysato in ay shacabkooda ku curyaaminyaan. 

Waa nasiib darro in dhalinyaro badan oo mustaqbalka wadankeena ahaa ay u kala firdhadaan daafaha caalamka ayagoo maggan u noqday, kuwa assaagood ah. Dhibaatada ku dhacday bulshadeena laguma soo koobi karo qoraal laakiin waxa kaliya oo aan maanta wax ka baddali kartaa waa in aad kow nafteeda ka billowdaa oo aad waxbarashada naftaada iyo in aadan noqon qof qayb ka noqda burburka wadankiisa. 

Guusha ugu wayn oo maanta lagaa rabaa waa in aad noqoto qof isku filan oo aan u baahnayn in uu caqli iyo garaad ka korarsado siyaasi iyo odey qabyaalad kusoo naas nuugay, ee waa in aad aamintaa awooda caqligaaga iyo tan aad wax kaga baddeli kartid bulshadaada. Nasiib-darro dhalinyaro badan ayaa maanta ku milmay siyaasad qabiilaysan, taasna waxa ay naafaynaysa in aan kasoo kabano dagaaladii sokkeeye iyo boogihii bulshadeene kala gaaray. Waxa aad arkaysaa dhalinyaro jaamiciyiin ah oo qabyaalad uun ka hadlaysaa ama u olalayna siyaasi danihiisa gaarka ah kaliya eeganaya. 

Dhalinyarada mustaqbalkoodu waa in uu iyaga kasoo maaxdaa. Soomaalidu waxa ay ku maahmaahdaa "biyo sacabadaada baa looga dhargaa" Hadii aadan wax baran oo aadan naftaada hormarin waxa aad noqonaysaa markasta dulmane aan awood lahayn xaqiisana aan dhacsan karin. Waxbarshadu ma ahan in aad shaqo kaliya uun ku hesho ee waa in ay ka muuqato dhaqankaaga iyo ficilkaagaba, lana imaataa hal-abuur guul u horseedi kara naftaada, qoyskaga iyo bulshadaada guud ahaanba. "Ama ka muuqo ama ka maqnow" Noloshu waxa ay u baahan tahay karti iyo adkaysi. 

Guul ayaan u rajayn dhammaan shacabka Soomaaliyeed gaar ahaan dhalinyarada, kuwaas oo dal iyo dad dhalinyaro u ah. Aan dhexda u xirano si aan nafteena iyo tan bulshadeena u badbaadin lahayn.


Ciid Wanaagsan 


W/Q: Jibri Hirsi




2 comments:

  1. Dhamman waxaad ka haddashay waa wax jirra,

    Sidaad dhalin yarada u boorinayso waa wax wanaagsan.

    Adiga oo kale ayaa loo baahan yahay.

    Hore u soco dhalintana sidaa u dhiiri gali

    ReplyDelete