JIBRIL HIRSI
Thursday, May 28, 2020
Saturday, May 23, 2020
Ha iibsan sharaftaada!
Sharafta iyo cissiga qofka muslimka ah ilaaahay ayaa quraankiisa ku xusay in badan sidoo kale axaadiis badan ayaa nabigeena suubanaa laga soo wariyey "أل هي منال إيمان" (al hayau minal iman) Kaas oo noo cadaynaya in akhlaaqdu iyo xishoodku yahay qayb ka mid ah iimaanka. Qofka dhalinyarada ah waxaa looga baahan yahay waxkasta oo akhlaaqdiisa iyo cirdigiisa wax u dhimaya in uu ka digtoonaado. Marka maxaa kuu diidaya in aad sharaftaada iyo cissigaaga ilaashato adigoo ka dheeraanaya waxkasta oo noloshada iyo mustaqbalkaaga saamayn xun ku yeelanaya sida balwadda, qabyaaladda iyo siyaasad aan jiho lahayn oo qabiil ku salaysan.
Photo credit: PDRC |
Dhalinyaro badan ayaa ku tabaalaysan daafaha caalamka gaar ahaan dhalinyarada soomaaliyeed, kuwaas oo ka cabanaya shaqo la`aan, amni darro iyo in iyaga laftooda ay argagaxisadu uga faa`iidaysato in ay shacabkooda ku curyaaminyaan.
Waa nasiib darro in dhalinyaro badan oo mustaqbalka wadankeena ahaa ay u kala firdhadaan daafaha caalamka ayagoo maggan u noqday, kuwa assaagood ah. Dhibaatada ku dhacday bulshadeena laguma soo koobi karo qoraal laakiin waxa kaliya oo aan maanta wax ka baddali kartaa waa in aad kow nafteeda ka billowdaa oo aad waxbarashada naftaada iyo in aadan noqon qof qayb ka noqda burburka wadankiisa.
Guusha ugu wayn oo maanta lagaa rabaa waa in aad noqoto qof isku filan oo aan u baahnayn in uu caqli iyo garaad ka korarsado siyaasi iyo odey qabyaalad kusoo naas nuugay, ee waa in aad aamintaa awooda caqligaaga iyo tan aad wax kaga baddeli kartid bulshadaada. Nasiib-darro dhalinyaro badan ayaa maanta ku milmay siyaasad qabiilaysan, taasna waxa ay naafaynaysa in aan kasoo kabano dagaaladii sokkeeye iyo boogihii bulshadeene kala gaaray. Waxa aad arkaysaa dhalinyaro jaamiciyiin ah oo qabyaalad uun ka hadlaysaa ama u olalayna siyaasi danihiisa gaarka ah kaliya eeganaya.
Dhalinyarada mustaqbalkoodu waa in uu iyaga kasoo maaxdaa. Soomaalidu waxa ay ku maahmaahdaa "biyo sacabadaada baa looga dhargaa" Hadii aadan wax baran oo aadan naftaada hormarin waxa aad noqonaysaa markasta dulmane aan awood lahayn xaqiisana aan dhacsan karin. Waxbarshadu ma ahan in aad shaqo kaliya uun ku hesho ee waa in ay ka muuqato dhaqankaaga iyo ficilkaagaba, lana imaataa hal-abuur guul u horseedi kara naftaada, qoyskaga iyo bulshadaada guud ahaanba. "Ama ka muuqo ama ka maqnow" Noloshu waxa ay u baahan tahay karti iyo adkaysi.
Guul ayaan u rajayn dhammaan shacabka Soomaaliyeed gaar ahaan dhalinyarada, kuwaas oo dal iyo dad dhalinyaro u ah. Aan dhexda u xirano si aan nafteena iyo tan bulshadeena u badbaadin lahayn.
Ciid Wanaagsan
W/Q: Jibri Hirsi
Monday, May 18, 2020
Taariikhda Qaadka/Jaadka
Taariikhda Qaadka/Jaadka
Qaadku waa geed midab cagaaran oo leh caleemo jilicsan. Waxa uu ka baxaa dhulka joogiisu sarreeyo dhererkiisuna waa hal ilaa labo mitir buurta dusheeda. Halka kan buurta hoosteeda ka baxa gaaro ilaa lix mitir, dhul-baraha kulaylka iyo biyaha leh waxa uu gaara ilaa 25 mitir. Waxa uuna ka baxaa wadanka Yaman iyo bariga Afrika gaar ahaan wuxuu ka baxaa wadamada itoobiya, kiinya, ugaandha iyo tansaaniya. Geedkan markii ugu horraysay waxaa lagu arkay wadanka Yaman, laakiin taariikhyahanadu waxa ay tilmaameen in geedkan asal ahaan kasoo jeedo dhulka xabashida iyo kiinya kadib uu u ka soo tillaabay badda cas oo u dhaxaysa Soomaaliya iyo Yaman, saasna uu ku soo galay dhulka carbeed.
Waxaa jira taarikhyahano iyo aqoonyahano badan oo ka qoray buug iyo maqaalo badan ku waas oo doonayay in ay wax ka ogaadan geedkan faa-iidadiisa iyo khasaarihisa. Markii aan fiirino nuxurka qoraaladooda waxa inoo soo baxaysa in uu qaadku yahay maan dooriye aan faa-iido u lahayn caafimadka iyo jirkaba. Bal aan fiirino aragtidooda sida ay u arkaan qaadka…
Qaadku waa geed la beero oo aad u weynaada oo caleemihiisa laga ganacsado. Waana la calashadaa, waana maandooriye. Wuxuu ka mid yahay dhirta maanka doorisa, sida xashiishada iyo afyuunka ( Yaasiin C. Keenadiid 1976)
Qaadku waa geed ka baxa Bariga afrika, Soomaaliya, Kiiniya, Itoobiya iyo Muusaambiig. Dhinaca waxyeellada wuxuu u dhexeeyaa Kookeynta iyo Afyuunka ( Al-Gayaamah, 1411 H)
Qaadku waa geed qofka cuna ka dhiga mid firfircoon ( Ibnu Batuuta)
Qaadku waa maskax dooriye, dalkana wuu ku faafay. Caqliga ayuu dhaawacaa. Xagga dhaqaalaha, bulshada, akhlaaqada iyo caafimaadka ( Cali Sh. C/laahi Yalaxow,1988)
Qaadka iyo dhibaatooyinkiisa lama soo koobi karo runtii, qofkastoo caqli lehna wuu dareemi karaa dhibaatada uu u gaysto bulshada xagg caafimaad, dhaqaale, akhlaaqda iyo caqliga ah. waxaa ayaan darro ah in wadamadii uu kasoo baxaayay in bulshada Soomaaliyeed ka cunis badan tahay, waxaana la oran karaa waa xanuun bulsho oo na haysta, una baahan in looga hortago xagg wacyi galin iyo xag siyaasadeedba si aynu iskaga qabano halista ba`an oo uu dadkeena ku hayo.
Dhibaatooyinka qaadka
Caafimaadka
dhimirka
Qaadku saamaynta ugu badan oo uu xagga caafimaadka u gaysto waa dhimirka, taas oo loo aanaynayo maandoorintiisa oo aad u awood badan una horseedi karta khatar xagga maskaxda ah. Qofka qaadka badsada waxaa lagu arkaa badanaa xanaaq badan iyo ciil markasta haya taasoo qofka ka mashquulinaysa howl maalmeedkiisa. Banadanaa qofka qaadka cuna waxba laguma aamino karo taasna waxa ay ku kaliftaa in qofku dagaal iyo rabsho joogto ah galo, taas bulshada u horseedi karta in bulsho rabsho badan noqoto.
2) dheefshiidka
Maaddooyinka katiinka iyo katinoonka ee qaadka ku jiraa waxay ay waxyeelo u gaystaan hawlaha dheefshiidka, taasoo keeni karta hamuundarro, gaastariig iyo beerqolfow.
3) Afka
Waxa uu wax yeelo u gaystaa ilkaha iyo cirridka kuwaas oo shaqo muhiimka qabta xagga calalinta cuntada iyo caafimaadka qofka, sidoo kale ilkuhu waxa ay door ka qaatan quruxda qofka.
4) Cudurrada bulshada (cudurrada fisqiga)
Sida la ogsoonyahay qaadka cuniddiisa waxaa marar badan la xiriira is-dhexgal aan bannaanayn ee rag iyo haween oo keena xiriir jinsi oo aan banaanayn. Cudurro xunxun ayaa sidaas lagu kala qaadi karaa oo ay ka mid yihiim: jabto, waraabow, AIDS iyo cuduro badan oo galmada lagu kala qaado.
tix qaadka laga tiriyey ayaa saan ahayd:
Qalbi qooqan qooro aan waxtarin qaadow adigaa leh
Labo qaawan oo aan is qabin qaadow adigaa leh
Qol ciriiriyoo qaac lagu iltiray qaadow adigaa leh
5) Bulshada
Dhibaatooyinka bulsho ee qaadku keeno way badanyihiin waxaana ka mid ah kuwa soo socda:
Khilaaf iyo kala tag qoyska dhexdiisa ah
Dayicid daryeelka iyo tarbiyadda carruurta
Dhaqanxumo (xishoodarro, dhillaysi, iwl)
Sigaarcab
Khamricab (3% dadka qaadka cunaa khamradana waa cabbaan)
Uhorseedid xumaan dadka kale, siiba dhallinyarada Iyadoo arrinta lagu xusay qodobka ugu dambeeya la xiriirta, ayaa Nebiga, naxariis iyo nabadgelyo korkiisa ha ahaadeene, waxaa laga weriyey inuu yiri: “Qofkii jideeya jid san wuxuu leeyahay ajarkiisa iyo ajarka qofkii ku camal falay, qofkii jid xun jideeyana waxaa korkiisa ah dambigiisa iyo dambiga qofkii ku camal falay”
Dhaqaalaha
Qaadka keenistiisa waxaa ku baxa dhaqaale farabadan oo ay ka macaashaan dowladaha shisheeye ee kiinya iyo itoobiya. Kuwaas oo maalin kasta u dhoofiya jawaano qaad ah.
way adag tahay dhaqaalaha saxda ah ee uga baxa soomaaliya in la helo sababtoo dowlad rasmi ah oo si sax ah u baarta wadanka kama jirto.
(Tv-ga K24) ee laga leeyahay dalka Kiinya ayaa barnaamij gaar ah oo bartamihii sanadkii 2011 uu ka sameeyay qaadka Soomaaliya loo soo daabulo wuxuu ku sheegay in sanad walba dowladda Kiinya ay qaadka ka macaashto dhaqaale ka badan 11 Bilyan oo lacagta Keenya ah oo u dhiganta ku dhawaad 130 Milyan oo doollar. Lacagtaan waa qaadka laga cuno koonfurta Soomaaliya sababto ah qaadka kiinya waxaa laga cunaa koonfurta oo kaliya. Soomaalilaan waxaa kaga baxda qaadka sanadkii 438,000,000 oo doolar. Taas oo ka badan labo jibbaar miisaaniyadda Soomaalilaan sanadkii. (somalilandtoday.com)
Diinta
Cunista jaadku waxa ay dhibaato wayn ku haysaa gudashada salaadda iyo cibaadada eebe oo muhiim u ah nolosheena aduunyo iyo mida aakhiraba. Waxaa kale oo dhibaato ah in qofka jaadka cuna uu san ku fiicnayn bixinta sakada taas oo waajib ku ah qofkasta oo muslim ah xoolana haysta. Ilaahay wuxuu yiri: “Dhab ahaan shaydaanku wuxuu doonayaa inuu idin ka dhex rido colaad iyo caro, khamrada iyo khamaarka awgood, iyo inuu idinka jeediyo xusidda Ilaahay iyo salaadda ee ma tihiin kuwo reebtoomaya”? (Suuratul Maa’idah, aayad 91)
Ilaahay wuxuu kale oo yiri: “Halaag wuxuu u sugnaaday kuwa salaaddooda moogaanaya”. Kuwaas waxaa lagu fasiray inay yihiin kuwa salaadda waqtigeeda dib uga dhiga, iyagoo wax kale ku sii jeeda (Suuratul Maacuun, aayado 4,5).
Cunnista qaadku waxa ay waxyeelo ba-an u gaysataa caafimaadka taas oo sababi karta dhimasho ama cudurro halis ah oo naftaada iyo noloshaba quus gaarsiin kara. Ilaahay wuxuu yiri: “Naftiinna ha dilina maxaayeelay Ilaahay waa kii idiin naxariis badan” (Suuratu Al-Nisaa’, aayad 29)
-”Inta badan qofku markuu jaadka cuno, smoking kana wuu u raaca in uu sigaarka cabo. Dad badan oo galbeedka jooga markay qaadka cunaan qamray kadaba cabaan, waayo khamradu waxa ay ka mid tahay daraagiska kuwa caqliga dajiya ama daboola, qaadkuna wuu kiciyaa marka waan ku jabinayaa ay dhahaan waa runtood. qaadku korbuu u qaadayaa markuu dawakhana khamrigaa dib u celinaya hadana. waa labo waliyood oo midba dhinac u socoto” (Sheekh Mustafa Xaaji Ismaaciil)
Jibril Hirsi